Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Magaalada Guriceel

beesha

Saaxiibada Beesha Caalamka* ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab.

Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas haddii ay dhinacyadu codsadaan.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Kanada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Netherlands, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.