Rooble oo Wasiiru dowle u magacaabay Bashiir Goobe

goobe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska.

Magacaabista  Wasiiru dowlaha ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii ay dhawaan gareen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo  lagu soo afjaray khilaaf u dhaxeeyay labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa  Wasiiru dowlaha u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.