Dagaal Culus Oo Weli Ka Socda Gudaha iyo hareeraha Magaalada Guriceel

dagaal

Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa weli ka socda gudaha iyo hareeraha Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo guriceel ka bilowday waaberigii hore ee saakay ayaa ah mid xoogan, wuxuuna sigaar ah haatan uga socdaa inta badan xaafaddaha Waqooyi ee Guriceel, iyadoona la maqlayo dhawaqa hub Culus oo dhinacyada isku adeegsanayaan.

Ciidanka Galmudug iyo kuwa dowladda ay la wareegeen gacanta ku heynta Saldhiga Guriceel, kadib markii halkaas ay isaga baxeen Ciidankii Ahlusunna ee joogay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.