Daawo:Laftagareen oo kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

laftagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Ambasidor James Swan oo ay wehliyaan Diblomaasiyiin kale.

Kulanka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo Ambasidor James Swan oo ahaa mid saacado qaatay waxa ay uga wada hadleen Arimaha Doorashayoonka,Xaqiijinta Amniga goobaha doorashada lagu qabanaayo iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadkii laga soo Musaafuriyey Magaalada Laascanood.

James Swan Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ugu mahadceliyey doorka muhiimka ahaa ee uu ka qaatay dhex-dhexaadinta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasare Rooble oo ka heshiiyey qodobadii ay isku khilaafsanayeen, Swan ayaa dhanka kale Madaxweynha ku bogaadiyey inuu sii dar-dargeliyo Doorashada Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saaxibada Beesha Caalamka uga mahadceliyey Doorka ay ka qaadanayaan,Qabsoomida Doorashada,Xaqiijinta Amniga iyo Hirgelinta Mashaariicda waxaana uu xusay Madaxweynaha in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka goan tahay inay sida ugu dhow ay uqabato Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.