Daawo:Xildhibaan Barkhad Batuun oo weerar Afka ah ku qaaday Rooble

Rooble

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo kamid ah Golaha Wakiilada Somaliland ahna afhayeenka Xisbiga Wadani ayaa ka hadlay dadkii Somaliland ay maalmo kahor Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool kasoo masaafurisay, kuwaasi oo soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Xildhibaan Barkhad Batuun ayaa sheegay in Rooble uu yahay Ra’iisul Wasaare reereed oo uusan aheyn Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay inuu maareeyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho, balse aan looga baahneyn inuu dhaliilo Somaliland.

Xildhibaan Barkhad Batuun oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Xisbiga uu ka tirsan ee Waddani ay kasoo horjeedan tallaabada Somaliland ay kusoo masaafurisay dad Soomaaliyeed oo isugu jiray Carruur, dhalinyaro, Haween iyo Odayaal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.