Madaxwayne kuxigeenka Puntland oo shir Gudoomiyey shirka amniga Puntland

karaash

Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga, waxaana Shirka looga hadlay amniga guud ee Puntland, shaqooyinka amniga ee socda iyo hirgelinta Qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga ka talobixinaya Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan Caasimadda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.