Sawiro:Rooble oo kulan la qaatay Guddiga Amniga doorashooyinka

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay u diyaar garowga Sugida Amniga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, Booliska AMISOM iyo Booliska UNka oo ka taageera dhinacyada farsamada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey guddiga amniga doorashooyinka sidii ay uga qeyb qaateen sugidda amniga doorashooyinkii Aqalka Sare, isagoo kula dar-daarmay in ay sii wadaan dadaalkooda wadajirka ah ee ku aadan sugidda ammaanka ergooyinka iyo dhinacyada ku howlan hirgelinta doorashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.