Wasiir Bayle oo Diyaariyey mushaarka shaqaalaha ilaa bartamaha sanadka soo socda

Bayle

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo xafiiska ku qabtay Shirka jaraa’id ee la kulan wasiirkaaga ayaa ka hadlay horumarka dhaqaalaha dalka, doorashooyinka iyo maamulka dhaqaalaha ee marxaladdan kala guurka.

Wasiir Beyle, ayaa ugu horeyn sheegay in dib u habeynta dhaqaalaha uu ku socdo hannaankii loogu talagalay islamarkaana ay sababtay kor u kaca aaminaada hey’adaha dhaqaalaha dunida oo u diyaariyay deeq dhan hal bilyan oo Doolar oo loogu talagalay horumarinta mashaariicda Bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in Marxaladda kala guurka iyo khilaafaadka siyaasiga ah aanay marna saameyn ku yeelan howlaha hey’adaha maaliyadda dalka oo si caadi ah u socda.

Shirka jaraa’id ee Wasiirka wuxuu sidookale ku sheegay jiritaan mashruuca horumarinta dhaqaalaha iyo isku xerka wadamada Geeska Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya, kaasi  oo ay ku baxayso 15 bilyan oo doolar oo badi loogu talagalay dhismaha wadooyinka.

Guulaha laga gaaray wadahadalka Dean dhaafka Soomaaliya iyo dib u habeynta maamulka maaliyadda ayuu sheegay Wasiirku in ay saldhig u yihiin mashaariicda la helay.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,  ayaa  tilmaamay in ay wasaaradda Maaliyadda diyaarisay Qorshaha sida joogtaa loogu bixinayo mushaaraadka shaqaalaha, ciidanka iyo qarashaadka hey’adaha Dowladda ilaa bartamaha sanadka soo socda 2022.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.