Dhageyso:Ahlusuna oo la Wareegtay Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud

macalin

Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa si nabad ah kula wareegay Ciidamada Ahlusna ee ay hogaaminayaan Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamauud oo dhawaan isku aruursanayey Deeganada Galmudug.

Ciidankii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ee ku sugnaa Magaalada ayaa isaga baxay, waxaana Saldhiga iyo Xarunta degmada qaarna waxay ku biireen Ciidamada Ahlusuna.

Boqolaal dadweyne oo taageersan Ahlusunna ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada, iyagoona soo dhaweeyay Ciidankaas, isla markaana dadka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin qabsashada Ahlusunna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.