Rooble iyo Qoor qoor oo codsaday Joojinta shirka Maamul goboleedyada

Qoorqoor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xsueen Rooble iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan ay yeesheen xalay waxaa lagu xaliyaymadmadowgii u dhaxeeyay Rooble iyo Qoorqoor.

Qoor qoor iyo rooble ayaa xiriirkooda xumaaday kadib markii Rooble diiday dhexdhexaadintii Madaxwaynayaasha koonfurgalbeed iyo galmudug ee lagu xalinaayey khilaafka soo kala dhex galay Madaxda dalka.

Dhanka kale shirka wada-tashiga oo madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada ay u ballansanaayeen inuu ka furmo maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 21-ka Sebteembar magaalada Garoowe ayaa la baajiyey kadib markii uu madaxwaynaha Galamudug Codsaday isagoo sheegay Ra’iisalwasaraha Xilgaarsiinta inuu ogalaaday in xal laga gaari khilaafka kala.dhaxeeya Madaxwayne Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.