Muuse Suudi oo mar kale loo doortay Aqalka Sarre

Muuse suudi

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka dhacaday Doorashada kursigii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto deegaanada Hirshabeelle.

Wareega saddexaad ee doorashada ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow iyo Axmed Xuseen Caddow Daaci, kuwaasi oo kusoo baxay wareegii koowaad ee doorashada ka socota Jowhar.

Musharax Cabdullaahi Sheekh Xasan oo isna kusoo baxay wareegii koowaad ee doorashada ayaa ku haray wareega labaad, isagoona tanaasulay, wuuxuna markii hore helay codad gaaraya 15 Cod.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa Muuse Suudi Yalaxow u doortay inuu mar kale kamid noqdo Senatorada Aqalka Sare ee Maamulkaas ku metelaya Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna helay codad gaaraya ilaa iyo 55 Cod, halka Axmed Daaci uu helay 43 Cod.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.