Sawiro:Qoorqoor oo la kulmay qaar ka mid ah danjirayaasha Beesha Caalamka

qoorqooor

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah danjirayaasha Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka oo ay Beesha Caalamka ku matalayeen Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Danjirayaasha Midowga Yurub, Sweden, Norway, UK iyo diplomasiyiin kale.

Madaxweynaha iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa ka wada hadlay dardargelinta doorashooyinka, Amniga doorashooyinka, xaqiijinta Qoondada haweenka iyo taageerada Beesha Caalamka ee ku aaddan habsami usocodka doorashada.

Kulanka ayaa dhinaca kale looga hadlay Arrimaha horumarinta Galmudug, Amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada sidii Beesha Caalamka gacan uga geysan laheed howlahaas lasoo xusay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.