Daawo:Shariif Sheikh Axmed oo baaq u diray Madaxda Dowlada

shariif

Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka kasoo dhex Cusboonaaday Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu Nasiib darrio weyn ku tilmaamay caqabadaha kasoo dhex cusboonaaday laabda mas’uul.

Sheekh shariif ayaa waxaa kaloo sheegay khilaafka iyo is qabqabsiga Rooble iyo Farmaajo uu caqabad ku yahay hannaanka doorashooyinka iyo sidii dalka ay kaag dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha in ay gaaraan xal dhab ah, ayna ka heshiiyaan waxyaabaha ay isku fahmi la’ayihiin, isagoo intaa ku daray mar waliba oo khilaafku sii xoogaysto ay doorashada dalka iyo xasiloonada guud ee dalka ay caqabado soo wajihi karaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.