Wasiir Dubbe ayaa ka tacsiyeeyey Geeridii Fanaan Shamuuri

wasiir

Allaha u naxariistee waxaax xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii waynaa ee Hobollada Qaranka Soomaaliyeed ee Waabari Maxamed Aadan Shamuuri, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyey Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS Cismaan Abuukar Dubbe.

“Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii, Hoboladda Qaranka ee Waabari iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo.” 

“Maxamed Aadan Shamuuri wuxu ahaa fannaan qaran oo dadkiisu aad u jeclaa, sidoo kale marxuumku wuxu ahaa nin leh dabeecad fiican iyo dad la dhaqan wanaagsan. Ilaahay ha u naxariisto,” ayuu yiri Wasiir Cismaan Abuukar.

Maxamed Aasan oo ku magac dheeraa Shamuuri waxa uu fanka ku biiray dabayaaqadii 1970-meeyadii, waxuuna xalay ku geeriyooday degmada Warta-Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa waayahaan ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in maanta aas qaran loogu sameeyo isla caasimadda Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.