Daawo:Rooble oo sheegay Xulista ergooyinka waxaa ka masuula Maamul goboleedyada

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal, heer dowlad-goboleed iyo kuwa Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada.

Rooble ayaa Guddiyada kala hadlay arrimo khuseeya geeddi socodka, hirgelinta iyo hufnaanta doorashada, habka soo xulista ergooyinka, kaalinta dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, wadashaqeynta guddiyada dhexdooda, qoondada haweenka, dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo qodobbo kale.

Rooble ayaa sheegay Gudiga Doorashada ee heer maamul Goboleed inay ka masuul yihiin xulista Xildhibanada aqalka hoose ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.