Sawiro:Xuska aas aaska Puntland oo garoowe mar kale lagu qabtay kadib Fashil ku yimid kii 1 Agoosto

puntland

Munaasabad loogu dabaal dagayo Sanad guuradii 23aad ee aasaaskii Puntland ayaa mar kale lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe waxaaana ka qayb galay Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Kuxigeenkiisa Axmed Cismaan Cilmi Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenadiisa.

Waxaa lagu casumay Munaasabadda Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro heer federaal iyo Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Bahda dhaqanka, Culima’udiinka iyo boqolaal shacab ah.

Fanaaniin iyo Hal abuuro isaga kala yimid dhulka Soomaalida degto iyo dalka dibadiisa ayaa sidoo kale qayb ka ah xafladaani, kuwaasi oo soo bandhigay suugaan la xiriirta maalinta Aas aaska Puntland iyo horumarada la gaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.