Koonfurgalbeed oo qabanaysa doorashada Xildhibaanada Aqalka Sarre

koonfur

Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ka dhacaysa doorashada Sanataro ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay magaalada Baydhabo ka dhacayso doorashada shan sanator oo  ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ee laga soo doorto Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa maalmo ka hor soo gudbiyey musharixiinta ku taartamayo Shan ka mid ah kuraasta Aqalka Sare oo ay deegaan doorashadooda tahay Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.