Sawiro:Xaaf oo Dhuusamareeb Utagay inaan laga Reebin Musharaxiinta aqalka Sare

xaaf

Boqolaal dadwayne ah, saraakiil iyo askar ka tirsan guutooyinka daraawiishta Galmudug iyo Mas’uuliyiin isugu jirta Xildhibaanno iyo Wasiiro ayaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” oo u yimid Caasimada Galmudug howlo la xiriira doorashooyinka dhawaan bilaabmaya.

Wafdiga Madaxwaynihii hore ee Galmudug oo ay qayb ka ahaayeen Xildhibaann iyo madax kale ayaa gudaha garoonka ku salaamey bulshada soo dhoweyntooda isugu soo baxdey oo u muujiyey dareen gacaltooyo oo la xiriira doorkiisii dib u heshiisiinta Galmudug iyo suuragalintiisii in maamulku usoo guuro Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa u mahadceliyay  Dowlad Goboleedka Galmudug una rajeeyay in ay doorashooyinku ku qabsoomaan sida ugu haboon uguna hufan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.