Daawo:Boliiska Jubbaland Oo ka hadlay Qaraxii Lala eegtay Ciyaartoyda

ciyaarkismaayo

Taliska Booliska Jubbaland ayaa ka war bixiyay khasaaraha ka dhashay Qaraxii gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo ahaa mid lagu xiray gaari Bus ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa lala beegsaday Gaari Bas oo ay saarnaayeen kooxda kubada Cagta ee JCCI ee ka dhisan Kismaayo, kuna sii jeeday Garoonka Waamo ee Magaaladaas.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in qaraxa ay ku geeriyoodeen saddex kamid ah Cayaartoyda kooxda JCCI iyo darawalkii waday gaariga, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ka tirsan kooxda kubada Cagta ee JCCI.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.