Wasiirka Xamza oo ka tacsiyeeyay falkii lagu dilay ciyaartooyda kooxda JCCI ee Kismaayo

xamza

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa cambaareeyay falkii wuxuushnimada lahaa ee lagu xasuuqay cayaartooyda kooxda JCCI oo ah koox ka dhisan magaalada Kismaayo.

Wasirka Cayaaraha Soomaaliya ayaa bahda ciyaaraha Jubbaland iyo shacabka uga tacsiyadeeyay falkii lagu dilay dhallinyarada, isagoo ku baaqay in hal meel looga soo wada jeesto la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

“Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu Naxariisto janno ka waraabiyo dhallinyaradii ku shahiiday qaraxii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana intii ku dhaawacantay uu Alle uga baryay inuu u boogdhayo”. Ayuu yiri Wasiirka Cayaaraha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.