Ra’iisalwasaare Rooble oo la Kulmay Ra’iisalwasaaraha Ingiriiska

rooble

Ra’isul Waaaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada.

Waxaayna ka wada hadaleen labada Ra’iisalwasaare xoojinta xiriirka labada waddan, arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka.

Britain waxay ku jirtaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.