Musharaxiintii Axmed Madoobe ayaa ku guulaystay Doorashadii Aqalka Sare ee Kasocotay Kismaayo

fartaag

Waxaa lasoo Gabagabeeyey Doorashadii aqalka Sare ee ka socotay Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland Taas oo ay ku tartameyeen Sagaal Musharax oo Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe soo gudbiyey.

Barlamaanka Jubbaland ayaa waxaa uu codeeyey Musharaxiintii Tartameeyey waxaana ku guulaystay Afartii kursi ee aqalka sare Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Ilyaas Baddal Gabboose, Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan.

Madaxwaynaha jubbaland axmed madoobe ayaa waxaa laga sugayaa inuu soo Magacaabo Musharaxiinta u tartamaysa Afar kusri ee dhiman kuwaas oo labo kamid ah ay noqonayaan Gabdho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.