Doorashada Qaar kamida Xildhibaanada Aqalka Sare oo Kismaayo ka Socota

fartaag

Doorashada qaar kamid ah kuraasta mudaneyaasha aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa ka socota xarunta shirarka Daawad ee magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland.

Sagaal xubnood ayaa ku tartamaya doorashadan, kuwaas oo u sharraxan afar kursi oo ka mid seddeeda Senator ee Aqalka Sare ka soo galaya dhinaca maamulka Jubbaland.

Musharraxiinta sagaalka ah oo ay mid ka mid ah tahay Haweeney ayaa sidoo kale khudbadahooda maanta ka horjeediyay golaha wakiilada Jubbaland.

Musharixiinta ayaa waxaay kala yihiin.

1: Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag

       Axmed Maxamed Jaamac

2: Xalimo Jaamac Maxamed

       Cabdirisaaq Maxamed Cismaan

3: Ilyaas Badal Gaboose

         Maxamed Axmed Sayid

        Sharmake Maxamed Cabdi

4: Ibrahim Yacquub Ismaacil

        Iftin Xasan Iimaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.