Sawiro:Madaxwayne Guudlaawe oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

guudlaawe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yılmaz.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ambassador Mehmet Yılmaz ayaa kulanka kaga hadlay Arimaha Amniga, Doorashooyinka, wax ka qabashada Fatahaadaha, Maalgashiga deegaannada Hirshabeelle iyo shaqo abuurka Dhallinyarada.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa uga mahadceliyay Safiirka Dowladda Turkiga dadaallada wax tarka leh ay la garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.