Hay’ada Arahma oo martiqaad usameeyey arday heshay Deeq Wabarasho oo dalka dibadiisa ah

alraxma

Maanta waxaan xafiiska Alrahmah Foundation ee Magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyey ardaydii heshay deeqdii waxbarshada ee dalka Sacuudiga gaar ahaan jaamacadda Boqor Khaalid ee magaalada Abhaa, ardaydaa oo ka soo baxay macaahidda Jubbaland, Soomaaliya, macaahiddaa oo hoos taga raabiddada macaahidda sharciga Soomaaliy si gaar ah waxaa u israafa Mu’asasada Alrahmah Foundation.

Ardaydaadn Deeqda waxbarsho helay ayaa kala ah

  1. Cabdiqaadir Maxamed Ibraahim, Machad Dahabi, Garbahaareey, Gedo.
  2. Maxamed Cabdiqaadir Xasan Xaashi, Macahad Raxmah, Tuulo Barwaaqo, Gedo
  3. Fu’aad Cabdullahi Xaashi, Machad Sheekh Maxamuud M. Nuur, Kismaayo, Jubbada Hoose.
  4. Muxamed Axmed Cabdullahi, Machad Sheekh Maxamuud M. Nuur, Kismaayo, Jubbada Hoose.
  5. Cabdiweli Shaalle Daahir, Macahd Daarul Xadiis, Beled Xaawo, Gedo.
  6. Suleemaan Ibraahim Yaroow, Machad Furqaan, Ceel Cadde, Gedo.

Soo dhawaynta xafiiska kadib waxaa ardayda loo sameeyey kulan qado sharaf ah oo lagu maamuusay, waxaana goob kulankaas Soo dhaweynta iyo qadada ka ahaa  ahaa qaar ka mid ah mas’uuliyiinta mu’asada iyo mas’uuliyiinta jaamacadda caalamiga ah ee Gedo sida Sheekh Aadam Sheekh Cabdille oo ka mid ah aasasayaasha Alrahmah, DR Xasan Cabdullahi Xade oo ka mid ah mas’uuliyiinta Jaamacadda, Sheekh Cabdiqaadir Xaashi Cabaas oo ka mid ah guddiga fulinta, Diktoor Cabdinuur Faarax Taano oo ka mid ah guddiga fulinta, DR Axmed Xuseen Daahir (Sandheere) oo ah gudoomiyaha jaamacadda, Maxamed Aadan Waadi oo ah gudoomiyaha fulinta Alrahmah, Cabdullahi Aadan Ismaaciil oo ah xoghayaha gollaha fulinta, waxaa kaloo joogay Sheekh Muuse oo ka mid ah ardayda hadda wax ka barata mid ka mid ah jaamacadaha Sacuudiga oo fasax ku jooga dalka.

Culimada iyo masuuliyiinta kale ayaa siiyay ardayda talooyin, dardaaran iyo warbixinno muhim u ah waxbarashadooda gaar ahaan dalka Sacuudiga, Mas’uuliyiinta mu’asasada ayaa u sheegay ardayda in ay la garabtaagan yihiin wax kaste oo ay awoodaan oo ardayda u baahan yihiin, ardayda ayaa ka mahad naqay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay iyo waliba sidii ay u gacan qaban jirtay mu’asasada macaahidda ay ka soo baxeen oo mu’asasada ay la garabtaagneed caawin iyo ka war hayn nooc kaste ah, dhawaan ayaa la filaayaa insha Allah ardaydan 6da ah iyo arday kale oo 20 ku dhaw oo macaahid kala duwan oo dalka ka soo baxay in ay u safraan dalka Sacuudiga oo ay ka helaan deeq waxbarasho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.