Gudiga hirgelinta doorashooyinka oo gaaray magaalada Kismaayo

doorasho

Xubno kamida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha GHDHF mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland.

Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT Jubbaland Dr Siyaad Mursal Maxamed iyo xubnaha kale ee guddiga ayaa si diirran garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo ugu dhaweeyay guddoomiye Maxamed Xasan Maxamed ( Cirro) iyo waftigii uu hoggaaminayay.

Waftiga FEIT ayaa Kismaayo u yimid arrimo la xiriira dardargalinta qabsoomidda doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee maalmaha soo socda ka dhici doona Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.