Video+Sawiro:Madaxweynaha Hirshabeelle oo garoon diyaaradeed ka hirgalinaya cadale

guudlaawe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa maanta sahan ku soo sameeyay goob la filayo in laga dhagax dhigo mashruuca dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha Degmada Cadale, halkaasi oo uu maamulka ka hirgelin doono mashaariic horumarineed.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale soo indha indheeyay goob la filayo in laga dhiso guryaha martida oo dhowr dabaq ka koobnaan doono, si halkaasi looga helo goobo martida lagu soo dhaweeyo.

Madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa wada dadaalo ku aadan sidii mashaariic horumarineed looga hirgelin lahaa degmooyinka Hirshabeelle, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya dhagax dhiga la qorsheynayo in laga sameeyo Degmada Cadale ee ah dhismaha garoon diyaaradeed iyo Hooy martida loogu talagalay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.