Sawiro:Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada Garbahaarreey

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa gaaray magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Dowlad gobaleedka Jubaland, halkaas oo uu wadahadallo kula lahaa madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashooyin, madaama magaalooyinka Kismaayo iyo Garbaharey ay yihiin labo magaalo oo ay ka dhici doonto doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federalka ee ay deegaan doorashadooodu tahay Jubaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.