Sawiro: Rooble oo Garbahaaray ka dhagax dhigay garoonka kubadda cagta

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee Degmada Garbahaarey, kaa soo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee Xukuumaddu ka hirgelinayso gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii hore ee maata waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada garoonka diyaaradaha ee magaalada Garbahaarey.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Gedo ee ku sugan Garbahaarey, waxaana saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay sugnaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, halkaas oo uu wadahadallo kula qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.