Qarax lala eegtay Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir oo Qasaaro Gaystay

Boliis

Qarax lagu weerayay taliyaha ciidmada booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamed Aadan “Farxaan Qaroole” ayaa waxaa ku geeriyooday shan qof ayaa halka 10 kale ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari, sida ay sheegeen talsika booliska Soomaaliya.

Gaariga qaraxay ayaa lagu weeraray kolonyo uu la socday taliye Qaroole oo marayay meel u dhow isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kaas oo uu taliyaha Boliiska Gobolka Banaadir ka bad baaday

Laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya  ayaa goobta qaraxu ka dhacay gaaray  iyo kuwa caafimaadka oo iyagana goobta ka qaaday dadkii uu dhaawaca kasoo gaaray qaraxaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.