Ra’iisul Wasaaraha Roo oo la filaayo inuu maanta yimaado Garbahaarreey

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu horkacayo ayaa la filayaa in maanta ay garaan degmada Garbahaarreey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah guddigii uu u magacaabay arrimaha Gobolka Gedo iyagoo degmada Garbahaareey kula kulmi doonaan Odayaasha Dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo si xal looga gaaro tabashooyinka halkaasi ka jira.

Magaalada Garbahaareey ayaa waxaa laga dareemayaa soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Rooble oo booqasho ku maraya deegaano kamid ah Dowlad gobaleedka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.