Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe shirka Wadatashiga Wasaaradaha caafimaadka Dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka iyo Wasaaradda caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaliya, kaasi oo ay martigalisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa soconayay saddex maalmood, waxaana intii uu socday dib loogu eegay laguna lafaguray sidii la isku kaashan lahaa loona horumarin lahaa caafimaadka dalka.
Shirka waxaa maanta ku soo biiray hay’addaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo qaar kamid ah macaahidda cilmi baarista Puntland, waxaa sidoo kale qaabka Onlineka ah uga qaybgalay qaar ka mid ah wakiilada wadamada taageera caafimaadka Soomaliya.
Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Faarax Xasan oo xiritaankii shirka ka hadlay ayaa xusay muhiimadda uu lahaa shirkaan iyo in la iskaga xog waraystay qorshayaasha caafimaadka dalka, waxaa sidoo kale wax la iska weydiiyay guulaha la gaaray caqabadaha jiray shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay Muqdisho.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar iyo Wasiiiradda dowlad goboleedyada ka soo qaybgalkooda shirka iyo inay wax badan ku darsadeen kana go’antahay sidii si wada jir ah looga wada shaqayn lahaa caafimaadka dalka.
Leave a Reply