Sawiro:Khayre oo kulan la qaatay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka

khayre

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal mudane Maxamed Xasan Maxamed Ciro iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiga ayaa maanta hoygiisa ku booqday murashax Madaxweyne, ahna Ra’iisul Wasaare hore mudane Xasan Cali Khayre,  oo ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa in wadanka ay uga dhacdo doorasho xor ah, isagoo guddiga u jeediyey talooyin iyo  dardaaran mas’uuliyadeed, wuxuu  guddiga ku booriyey in markasta ay xil iska saaraan cadaaladda iyo daahfurnaanta doorashada.

Waa talaabo ka mid ah qorshaha guddiyadu ay doonayaan in ay kula kulmaan dhammaan murashaxiinta madaxtinimada, si loo dardar geliyo wada shaqaynta guddiyada iyo dhinacayda kala duwan ee danaynaya siyaasadda.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa yiri “Waxaan Guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga ee ku wehliyay kulanka ka wada hadalnay qaabka ugu haboon ee Guddiyada Doorashooyinku ay uga shaqeyn karaan doorasho madax-banaan, hufan oo loo maray hannaan iyo habraac daah-furan oo caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ku dhisan.

Waxaan aad usoo dhowaynayaa ballan qaadka Guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga oo ii caddeeyay in ay  ka dheeraan doonaan wax kasta oo shaki galin kara natiijada doorashada, kana qaban doonaan dalka doorasho ka madax bannaan eex iyo qof jecleysi”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.