Maxay Ka dhigan Tahay Wixii ka dhacay Boorame 26/06/2021-27/06/2021 W/Q Dhiblaawe

calan

Marka ugu horeysa Boorame waa tuma? Boorame waa magaalo madaxda Gobolka Awdal waa halkii ugu horeysay ee ilbaxnimada Soomaalidu ka soo bilaabatay Waa albaabkii Islaamku ka soo galay Soomaaliya iyo Afrikaba.

Waa meeshii ugu horeysay oo Soomaali oo reerguuraa ah heshay tacliin casri ah oo gaaladii ingiriisku ka fulisey D/Hoose ilaa Dugsiga Sare waloow ayaan daro ahayd in qorshuhu ahaa ilaa heer Jaamacadeed, laakiin is afgaranwaa ka dhex dhacay gaaladii  iyo dadkii deegaanka  ayan suuragalin loona wareejiyey jaamacadii magaalada Khartuum ee caasimada Suudaan oo aan hadda waxbarasho u raadsano.

Boorame waa Meesha ay wax ku barteen oo ka soo baxeen  dhalinyaradii aasaasay xisbigii SNL ee dhaliyey xoriyadii gobolada waqooyi ee Soomaaliya.

Boorame waa halkii lagu aasaasay xisbigii USP oo horseedka u noqday midoowgii gobolada Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya oo isku noqday Jamhuuriyada Soomaaliya 01/07/1960kii-61kii sano ee aan xorta ahayn waa hoyga waxbarashada Soomaaliya.

Boorame iyo dhamaan Gobolka Awdal raad kuma lahayn Jabhadii falaagada ahayd ee SNM oo cadawga Itoobiya soo hubeeyey soona horkacday,taas oo burburkii ciidamadii huwanta ahaa ee Itoobiya iyo SNM ay Boorame bartilmaamsadeen kana soo galeen Gobolada waqooyi,ayna ka dhalatay in lagu xasuuqo dad shacaba ah oo aan waxba galabsan oo tiradoodu dhamayd 750 qof oo shacab ah aan waxba galabsan sida aan saxaafada xorta ah ka maqlay.

Haddaba 26/06/2021,maxaa dhacay? Dhalinyaro reer Boorame ah ayaa ku dabaaldegay calanka Soomaaliya sidii ka dhacday Burco iyo Laascaanood, kuwaas oo gabdho iyo wiilaalba weerer hubeysan ciidamada SNM ku qaadeen, loona  qaaday meelo aan waalidiintooda iyo eheladoodu ogayn, ayyaga oo aan arki Karin soona booqan Karin hoos ka eega waxa dhacay.

27/06/2021 waxaa maamulka SNM si gaar ah oo aan ka dhacin Burco iyo laascaanood looga abaabuley Boorame koox dhalinyaro ah loona abaabuley in ay calanka SNM soo qaataan kan Soomaaliyana gubaan,arinkaas oo ay ka gubatay hooyo Degan Riiraash oo afar caruur ah leh,iskuna dayday in ay calanka Soomaaliya gubniinka ka baajiso,laakiin ciidamada  SNM ee awalba hawshaan qayb ka ahaa ay qabteen ayyaga oo kor u sida jirdilna u geystay ku tuuray gaari meel ay ku xireena aan reerkeeda iyo caruurteedu ogayn hoos ka eeg wixii dhacay.

Hooyga xoriyada iyo waxbarashada Soomaaliya Awdal iyo Boorame waxaan la qaybsanayaa dulmiga iyo gafka dhalinyarada hablaha u badan ee Soomaalida wadaniyiinta ah loo geystay aniga oo cambaareynaaya maamulka SNM ee Hargeysa fadhiya.

Soomaalidu ha ogaato dalka Soomaaliya waxa ka socda shisheeye baa fulinaayo,waana dagaal caalamiya waxayna adeegsanayaan kuwa naga mid ah hubkoodu waa qabyaalad,waa kansar iyo nugleyr loo helay dadka Soomaaliyeed oo la tijaabiyey in lagu ciribtiri karo,haddii aanaan is dabaqaban waa bahdil, kaladil, kalafogayn, isnacsiin iyo guud ahaan magaca Soomaaliya oo maabka dunida laga waayo (HADAY RAG RABTAA) .Yaa qaba in cadawga Soomaaliya kala jecel yahay dadka Soomaaliyeed ee ku nool shanti Soomaalida ah? Fadlan wax ka dhex?

Ugu  danbayn arintaan aan ka dhiidhino ,dawlada Federaalka  ah ee Soomaaliya Dunidu ayaday u aqoonsan tahay in ay dalka dawlad u tahay yey ka aamusin arintaan gabdhaha iyo dhalinyarada lagu dhibaateeyey, kuwii nagu dhaleeceenaayey Xoriyatul qawl aan meelna haysan dawladu ha hordhigto waxa ka dhacay Boorame, Burco iyo Laascaanood, Dadka Gobolada Waqooyi yey isdhiibin, waan hubaa Soomaaliya  kala go’imeyso, (CODKA SHACABKU WAA KAN Alle ) dal iyo dibaaba ka banaanabaxa oo diida SNMta shisheeyaha u shaqaysa oo magaca Soomaaliya Duulaanka ku ah,Maxaa diidaaya in Uk aan ku banaanbaxno oo aan u cadayno in anaan raali ka ahayn canshuurta Soomaalida laga qaado in lagu Caawiyo SNM, oo haweenka iyo gabdhaha yar yar waxyeeleeyneesa, dadka Soomaalida ah yey indhaha ka daawan waxa ka dhaca gobol ama degmo Soomaaliya, hadday dhacdo waa yoolkii kala fogeynta iyo isnaca oo cadawgu nalarabay oo rumoomey.

Maxaa diidaaya in Muqdishow iyo Gobolada Soomaaliya ilaa Heer Degmo aan ka banaanbaxno waxa ka dhacay Boorame, Burco iyo Laascaanood ,sidoo kale Culumada Gobolada Waqooyi tacadiga SNM ama diinta noogu caddeeye in ay sax tahay ama ka hadla, xaggee uga tagteen (XARIGA EEBBE QABSADA OO HA KALA TEGINA)? Ma waxaad xalaaleyseen kala taga iyo isnacaybka shacbiga Soomaaliya oo Muslimka ah haddana walaalaha ah dhan walba.

Wabilaahi Towfiiq. Sheergaree fadlan,

Dhiblaawe

Dhiblaawe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.