Ra’iisul Wasaare Rooble oo cambaareeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay falkii argagixisanimo ee galabta ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ku shaaheynayeen dad rayid ah, kaasi oo ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ra’iisul Wasaare Rooble ”Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Al-Shabaab galabta ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Falkan bahalnimada iyo arxan darrida ah waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.