Sawiro:Madaxweyne Farmaajo oo ubaxa dhigay Taalada halgameyaashii SYL

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamusaya Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo ayaa ubax lagu maamuusayey gobanimada, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna dhigay Taallada SYL.

Madaxweynaha oo tilmaamay in Taallada SYL ay ka mid tahay xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga ayaa halkaas xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada iyo midnimada dalka, iyaga oo naf iyo maal ba u soo huray Gobanimadeenna.

Kaddib Ubax dhigga Taallada SYL, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u gudbay Tiyaatarka Qaranka oo ay ka socoto Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo, isaga halkaas khudbad ugu jeedinaya shacabka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.