Sawiro:Madaxda Qaranka oo oo ka qeybgalay xuska 1da Luulyo oo ka dhacay Tiyaatarka

farmaajo

Munaasabad balaaran, oo loogu dabaaldagay xuska kowda Luulyo oo ah maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka ayaa lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay, Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ra’isuul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha shacabka iyo mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda.

Soomaaliya ayaa maanta xusaysa 61 sano guuradii ka soo wareegatay kowda Luulyo 1960, iyadoo munaasabadda suugaan kala duwan ku soo bandhigeen fanaaniinta Soomaaliyeed.

Boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale, ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.