Shirka Arimaha Doorashada Soomaliya oo galay maalintii labaad

rooble

Shirka golaha wadatashiga qaran oo uu shir gudoominayo Ra’iisal wasaaraha XFS ayna ka qeybgalayaan Madaxda maamul goboleedyada, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta gelaya maalintii labaad oo diirada la saarayo howlaha doorashooyinka.

Shirka oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga wada hadlay howlihii qabsoomay iyo horumaradda laga sameeyey dhanka doorashooyinka waxa uuna kusoo dhamaaday is afgarad.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta sii ambaqaadi doono shirka waxa ayna ka wada hadli doonaan arrimaha horyaal ee la xiriira doorashooyinka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.