Sawiro:Rooble oo booqday askar iyo Shacab ku dhaawacmay Wisil

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa isbitaalka ku booqday askar iyo rayid ku soo dhaawacmay iska caabinta weerar argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolla Mudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo isdul taagay dhaawacyada ayaa dhakhaatiirta ka dhageystay warbixinta la xiriirta dhaawacyada, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah, waxa uuna uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee ay isaga caabiyeen cadowga Al-Shabaab ee deegaankooda soo weeraray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.