Madaxweyne Farmaajo oo Jabuuti ugu Hambalyeeyay Sannad Guurada 44-aad ee Xornimadooda

Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti u diray hambalyo ku aaddan sannad guurada 44-aad ee ka soo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalkii ay ku bixiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed halgankii gobanimo doonka ee walaalaha Jabuuti, taas oo ka turjumeysa is garab-taagga walaalnimada iyo naf-hurnimada leh ee ka dhexeeya labada dal.

“Sannad guurada 44-aad ee ka soo wareegtay xornimada walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti waa mid farxad gaar ah u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, maadaama ay kaalin weyn ka soo qaateen helitaanka gobanimadooda, si ay xor uga noqdaan gumeystihii Faransiiska”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti in ay adkeystaan isku duubnidooda iyo midnimadooda, waxa uuna alle uga baryay baarwaaqo, nabad waarta iyo horumar ka sii ballaaran mid ay haatan haystaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.