Sawiro:Wasiir Dubbe oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay Wargeys bille ah

wasiir

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu daah furayay majalad bille ah oo ay hirgalisay Somali Magazine.

Sidoo kale xafladda daah furka waxaa ka qeyb galay aqoonyahanno, Macalimiin wax ka dhiga qaar ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Somali Magazine Ridwaan Yuusuf ayaa tilmaamay in wargeyska uu soo bandhigi doono horumarka dalka, isagoo xusay in Wargeyska la hirgeliyay sanadkii 2018, kaasi oo ahaa mid sanadle ah, balse hadda laga dhigay bille, si bulshada ay wax badan uga faa’iideysato macluumaadka lagu qoro wargeyska.

Agaasimaha Wargeyska Dalka ee Wasaaradda Warfaafinta Ifraax Maxamed Sheekh ayaa sheegtay in dalkeena uu leeyahay taariikh aad u fog, madaxda Wargeyskuna looga fadhiyo inay qalinkooda ugu hiiliyaan ka hadlidda taariikhda dalka.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in xoogga la saaro soo gudbinta taariikhda dalka, si dhallinyarada ay wax badan uga faa’iideystaan, iyagoo ku baaqay in dhallinyarada Jaamacadaha dalka ka soo baxday laga siiyo fursado ay aqoontooda bulshada ugu soo gudbin karaan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo dhiiri geliyay dhallinyarada hirgelisay majaladdan ayaa kula dar daarmay in looga faa’iideysto soo bandhigidda macluumaadka dalka.

“Waxaa inaga dhintay wixii la qorayay, Umadna waxa ay wax ku tahay oo ay ku meel martaa qoraal, sida uu qeybta kore ee Wargeyska u qurux badanyahay, ka shaqeeya inaad ku qortaan macluumaad qurux badan oo ka hadleysa dalkeena” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.