Daawo:Soomaali badan oo Dil iyo Afduub Kenya loogu gaystay

kenya

 Todobaadyadii lasoo dhaafay dalka Kenya waxaa ku sii xoogaysanaya beegsiga soomaalida, kuwaa  loo malenayo burcad ay u geysanayaan  afduub, jardil iyo dil, iyadoo xaaladan ay abuurtay walaac xoogan oo soo wajahday bulshada Soomaaliyeed.

Weli waxaa Nairobi ka socota baaritaanka lagu radinayo gabdho la afduubtay oo Soomaali ah Sida masuuliyiinta Soomaalida ee Kenya ay sheegeen, gabdhaha maqan waa seddax.

Muuqaal uu baahiyay telefishinka Universal Somali TV, waxaa ka muuqatay mid ka mid ah waalidiinta dhalay gabdhahaas oo ooyeysa. Waxayna dalbatay in gabadheeda loo keeno – nolol ama geeri.

Xafsa Cabdi Axmed, waxay ahayd gabadh ka ganacsata qudaarta ka soo go’da beer ay iyada leedahay oo ku taalla deegaanka Bura oo ka tirsan Tana River, Gobolka Xeebta ee Kenya.

Shiindheys Sheekh Nuur, oo dhashay Xafsa Cabdi, waxay Universal Somali TV u sheegta: “Gabadheyda waxay ka shaqeyneysay beer Bura ku taalla. Aniga in ay qaraha ku maqantahay baan ogaa, waxaana maqlay in gabadha Nairobi lagu afduubtay. Waa la ii keenay sawirkeeda.”

Iyadoo oyneysa ayey tiri: “Qofkii i garanayo oo gabadhaas meel ku arka – waa la raadinaayaa oo dowladda way mahadsan tahay, garab bay i siisay – Muslim iyo gaalbo, qofkii arka ha ii keeno”.

“Mayd iyo nolol, wixii lagu hayaba hala ii keeno gabadheyda, ha la ii keeno”, ayey u sheegtay TV-ga Universal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.