Sawiro:Ciidanka Xoogga oo Sodon Horjoogeyaal ku dilay Gobolka Shabeelaha Dhexe

dagaal

Howlgal qorsheysan oo ay ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed kaf uliyeen degaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayay ku qaarijiyeen horjoogihii maleeshiyaadka kooxda nabadiidka ah Al-Shabaab ee u qaabilsanaa gobolka Shabeelaha dhexe iyo 30 maleeshiyaad ah.

Howlgalka oo ka dhacay tuulada Jalable ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa fuliyay kumaandooska Xoogga Dalka ee Gor-gor iyo ciidanka Daraawiishta Hirshabeelle.

Horjoogaha ay ciidanka xoogga dalka qaarijiyeen ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jaamac Dheere iyo 30 maleeshiyaad ah oo lasocotay iyo sidoo kale tuulada Jalable lagu dhaawacay 24-kale oo katirsan argagixisada Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Kornayl Xaashi oo lahadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa ciribtirka maleeshiyaadka nafla caariga ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo jab xoogan loogu geystay Howlgalka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay Gobolka Shabeelaha Dhexe ka waday howlgallo qasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.