Sawiro:Axmed Madoobe oo Guddoomiyay Shirka Golaha wasiirada

axmedmadoobe

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo khamiis ah shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirada oo ah kii ugu horeeyay kadib magacaabistii Golaha Xukuumadda.

Madaxweynaha ayaa wasiirada cusub kula dar-daarmay inay shaqadooda u gubtaan sida ugu haboon, iyadoo Wasaarad walba ay xooga saarayso shaqada u gaarka ah isla markana ay xoojinayso shaqooyinka kala dhexeeya Wasaaradaha kale.

Waxaa Madaxweynaha uu xusay in hufnaanta shaqada ay tahay mid lagu qiimayn doono Wasaarad walba isla markana isla xisaabtanka iyo dabagalka Wasaaradaha ay noqon doonto mid joogta ah.

Madaxweynaha wuxuu intaas ku daray in shaqada shacabka loo hayo ay u baahan tahay dulqaad iyo samir, waxaa Madaxweynaha uu hoosta ka xariiqay in qof walba oo katirsan Bulshada ay tahay in loogu adeego hanaan hufan oo shaqo wanaag ay ka muuqato.

Gabagabadii waxaa Madaxweynaha uu sheegay in Xukuumadda cusub ay shaqooyin baaxad leh hortaalo taas oo u baahan dhiiranaan iyo ka go’naasho shaqo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.