Sawiro:Taliyaha Qeybta 21aad oo kormeeray fariisimada ciidamada Ceeldheer

sanka

Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Caddow Cali Sanka ayaa kormeer dhiira-gelin ah ku tagay fariisimada ciidanka Guutada 15aad ku leeyihiin duleedka deeganka Ceeldheere, waxaana halkaas si diiran Taliyaha Qeybta ugu soo dhaweeyey Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame Taliyaha Guutada 15aad Gaashaanle Xersi Cali Quuri Abaanduulaha Guutada iyo Saraakiil kale oo guutada ka tirsan.

Taliyaha ayaa booqday difaacyada ciidanka xoogga iyo deegaanadii ay ku baacsanayeen maal mihii danbe malishiyada Al-Shabaab, kuwaas oo hoostaga deeganka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud.

Jeneraal Sanka ayaa bogaadiyey howlgallada joogtada ah oo ciidamadu aagaas ka wadaan isagoo kula dar daarmay inay sii xaqiijiyaan nabadgalyada deeganka iyo deegaanada ku xeeran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.