Dhageyso:Wasiir Dube oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay todobaadka xoriyadda

wasiir

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda dalka Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay guddiga uu horyaallo howlo balaaran oo ay ugu horeyso diyaarinta iyo weyneynta xuska 61 guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ee 26-ka Juun. Midowga Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luulyo.

“Waxaan rabnaa inaan si weyn u weyneyno waa 61 guuradii ka soo wareegtay markii la saaray calan Soomaaliyeed oo ugu horeysay 26-ka Juun iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur iyo xornimadii Gobollada Koonfureed marka la isku wada darro, munaasabadaas oo dhan 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo waxay noqon doonaan, maalmihii xoriyadda, maalmihii Qaranka oo runtii inoo ah maalmo sumad gaar ah inoo leh, Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto’. Ayuu yiri Wasiir Dubb

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.