Midowga Musharaxiinta oo Rooble U Gudbiyey Liiska Xubnaha Guddiga Lagu Muransan Yahay

xasanshiiq

Midowga Musharaxiinta ayaa Xafiiska Ra’iisalwasaarha Soomaaliya u gudbiyaan Liiska xubnaha ku jira Guddigii lagu muransanaa ee labada heer ee doorashooyinka dalka oo horey cabasho looga soo gudbiyay.

Liiska xubnaha ay gudbiyeen Musharaxiinta ay gaarayaan labaatameeyo ruux oo xubin ka ah Guddiyada doorashada oo lagu eedeeyay inay yihiin shaqaalaha dowladda iyo Nabadsugida.

Guddiga heerka Wasiir ee Ra’iisul Wasaare Rooble u saaray xaqiijinta caddeymaha xubnaha cabashada laga keenay ayaa la wareegi doona liiskaas, iyagoona bilaabaya kala saarka xubnaha Guddiga.

Guddiga heerka Wasiir ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa kasoo tala bixin doona cabashada laga keenay xubnaha ku jira Guddigii labada heer ee doorashooyinka dalka, iyagoona la wadaagi doona Ra’iisul Wasaare Rooble.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.