Madaxwaynaha Somaliland oo Saaka Codkiisa Dhiibtay

muuse

Shacabka Somaliland ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan xildhibaannada golaha wakiillada iyo kuwa deegaanka.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo subaxnimadii hore ee saaka codkiisa ka dhiibtay xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda oo uu hore uga qaatay kaadrka codbixinta, iyadoo guud ahaan Somaliland maanta looga dareeray doorashada wakiilada iyo deegaanka oo isku sidkan.

Waxaana doorashada codkooda dhiiban doonaa dadka gaaraya 1,065,847, kuwaa oo codkooda ka dhiiban doono 2,709 goobood oo loo asteeyay codbixinta.

Musharrixiin gaaraya 246 ayaa u tartamaha golaha wakiillada halka 552 ay u tartamayaan golaha deegaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.