Awiro:Wasiir kuxigeenka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarumaha Caafimaad ee magaalada Gaalkacyo

WASIIR

Dr. Axmed Xuseen Macalin Dr. Gurrey Wasiir kuxigeenka Caafimaadka xukuumada Federaalka oo muddooyinkan kormeer uu ku ogaanayo baahiyaha caafimaad ee kajira deegannada Galmudug ku marayay degmooyin dhowr ah ayaa soo gaarey Magaalada Gaalkacyo oo uu uyimid qiimeynta heerka Adeeg bixinta Caafimaadka iyo sidii xal loogu heli lahaa culeesyada kajira Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac, lataliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Faarax Seeraar, Agaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed iyo Mas’uuliyiin  ka tirsan Golleyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug ayaa kormeeray Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug oo ay xog dheeri ah ka dhageysteen Maamulka iyo agaasinka Gobolka kuwaa oo xusey in ay sugayaan  balaarin lagu sameeyo adeegyada aas-aasiga ah ee Caafimaadka oo dhinacyada qaar u baahan in la kordhiyo baaxad ahaan.

Dr. Maxamed Cabdi Agaaaimaha Guud ee Isbitaalka Gaalkacyo iyo Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaare oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa kormeerka kadib wafdiga Wasiirka warbixin ka siiyay Howlaha ka socda Isbitaalkan iyo gaabisyada jira.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa dhankiisa xusey in kormeerkan oo ay ku mari doonaan deegaanno kale noqonayo mid wax looga qabanayo adeega aas-aasiga ah ee Caafimaadka.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Dr. Axmed xuseen macalin Dr. Gurrey ayaa faah faahiyey ujeedka booqashadiisan uu kumarayo degaano badan.

Wafdiga Wasiirka ayaa sidoo kale u guddbey Isbitaalka Gaalkacyo ee Puntland oo uu kusoo dhaweeyay Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir yuusuf Xaaji oo qayb-qayb u tusiyey shaqada baaxada leh ee ka socota xarumaha adeega caafimaadka ee Gaalkacyo iyo hormarada ay ka sameeyeen adeeg bixinta muddooyinkan, iyadoo howshani qayb ka tahay dadaalada isku xirka iyo wada shaqeynta labada wasaaradood oo wafdiga wasiirku ugu sii gudbey Magaalada garoowe ee Caasimada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.