Sawiro:Hogaamiyaha Jubbaland oo Kismaayo dib Ugu laabtay

axmedmadoobe

Hogaamiyaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, “Axmed Madoobe” ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, kadib safar shaqo oo uu ku joogay maalmahii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Axmed madoobe ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaran ee Doorashooyinka dalka taas oo heshiis lagaga gaaray hanaanka Doorashada soo socota.

Masuuliyiin katirsan labada gole ee Maamulka iyo dadweyne kala duwan ayaa Axmed Madoobe kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.